Cayaaraha
Cayaaraha 20 Nofeembar 2026
BERRI WAA FINALKA: CALI MUUSE IYO CAVALRY
Sabtida, 21-ka Nofeembar, Cali Muuse iyo Cavalry FC waxay ku ciyaari doonaan finalka horyaalka Kanada, garoonka ATCO Field ee Calgary, iyagoo la ciyaaraya Atlético Ottawa. Cali wuxuu dhaliyay toddobo gool siddeeddii kulan ee ugu dambeeyay, wuxuuna kooxdiisa u soo gudbiyay finalka.
Cayaaraha 17 Nofeembar 2026
SABTIDA: CALI MUUSE OO HOGGAAMINAYA FINAL-KA CPL EE KANADA!
Cali Muuse, ciyaaryahanka Soomaaliga ah ee u ciyaara Cavalry FC iyo xulka qaranka Soomaaliya, ayaa Sabtidii hore dhaliyay goolkii guusha ee Cavalry u horseeday final-ka Canadian Premier League — ka dib markii uu rigoore ka qasaariyay shan daqiiqo ka hor!
Cayaaraha 16 Nofeembar 2026
NATIIJO: SOOMAALIYA 0-1 GHANA — HAL RIKOODHE AYAA KALA SAARAY
Ocean Stars waxay 0-1 ku guuldarreysatay Ghana garoonka Essipong ee Takoradi, ciyaartii labaad ee isreebreebka AFCON 2027. Goolka kaliya wuxuu yimid daqiiqaddii 36-aad — rikoodhe uu dhaliyay kabtanka Ghana, Jordan Ayew.
Cayaaraha 15 Nofeembar 2026
JARMA MOHAMED: LAGA SOO BILAABO APP ILAA XULKA QARANKA!
Jarma Mohamed, 21 jir kuna dhashay Toxteth, Liverpool, wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee kooxda Jersey Bulls oo loo yeedho xulka qaranka Soomaaliya.
Cayaaraha 14 Nofeembar 2026
RAMLA CALI: HORYAALKA ADDUUNKA EE FEERKA!
Ramla Cali, gabadha ku dhalatay Muqdisho, waxay Axaddii 8-da Nofeembar ku guuleysatay labada horyaal ee WBO iyo IBF, ka dib markii ay ku garaacday Mikiah Kreps go'aan kala qaybsan oo toban wareeg ah, garoonka College Park Center ee Arlington, Texas.
Cayaaraha 12 Nofeembar 2026
OCEAN STARS: GAROONKA LAGA SAARAY — ACCRA
Xulka Soomaaliya ayaa Talaadadii lagu amray inay ka baxaan garoonka Jaamacadda Ghana, ka hor kulankooda isreebreebka AFCON 2027 ee Ghana.
Cayaaraha 9 Nofeembar 2026
Ocean Stars oo Khamiista la ciyaaraya Ghana wareega isreebreebka AFCON 2027
Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa Khamiista 12-ka Nofeembar la ciyaaraya Ghana, oo afar jeer ku guuleysatay horyaalka Afrika, wareega isreebreebka AFCON 2027.
