FIKIR: TRUMP OO WEERARAYA SOOMAALIDA — MAXAA LAGA FILAYAA?
Markii madaxweynaha dalka ugu awoodda badan adduunka uu qoraal ku weeraro bulsho yar oo qaxooti ah, arrintu ma aha qoraal kaliya. Waa farriin. Trump wuxuu Axaddii ku qoray Truth Social in Soomaalida Minnesota ay qabsadeen gobolka, iyo in ku dhawaad 95% ay ku tiirsan yihiin kaalmada — sheegasho uu baaritaan KTTC ah hadda muujiyay inaysan sax ahayn. Laakiin saxnimada tiradu ma aha qodobka ugu muhiimsan. Qodobka ugu muhiimsan waa in weerarku uu soo noqnoqday, oo uu hadda ka yimid meesha ugu sarreysa.
Tani ma aha markii ugu horreysay. Trump wuxuu hore ugu yeeray Soomaalida "tuugo" iyo "qashin". Bishii hore wuxuu ku boorriyay dadka Minnesota inay "la dagaallamaan" bulshada Soomaaliyeed. Jimcihii wuxuu weeraray Ilhan Omar. Sannadkii hore, dhowr qof oo Soomaali ah ayaa lagu helay khiyaano lacageed — dembi run ah, oo dadkiisa la ciqaabay — laakiin dembiga qof ama koox yar laguma xukumi karo bulsho dhan oo 107,000 ah. Markii madaxweynuhu uu dembi koox yar u adeegsado inuu ku weeraro bulsho dhan, waa siyaasad, ma aha caddaalad.
Erayadu waxay leeyihiin cawaaqib. Isla bishan, 14-kii Nofeembar, darawal Soomaali ah oo Uber ah, Maxamed Yuusuf, ayaa lagu weeraray Hopkins, Minnesota, ka dib markii rakaabkiisu uu weydiiyay magaciisa, ka dibna ku yiri magaca Maxamed ma jecli. Ninkii lagu eedeeyay, Samit Patel, ayaa lagu eedeeyay dil isku day ah iyo baabuur-dhac, waxaana lagu sii daayay damaanad 800,000 oo doolar ah, isagoo ku jira xabsi-guri, canqowgiisana lagu xidhay qalab elektaroonik ah, maxkamaddiisuna waa 16-ka Diseembar. Ma sheegayno in qoraalka Trump uu keenay weerarkaas — laakiin marka madaxweynuhu uu bulsho ku tilmaamo tuugo iyo qashin, oo uu dadka ku boorriyo inay la dagaallamaan, erayadaasi waxay abuuraan jawi uu qof walba oo xun uu ku dhiirran karo.
Laakiin waxaa jira wax kale oo muhiim ah: tiradu. KTTC waxay xaqiijisay in 81% qoysaska Soomaalida ah ay qaataan kaalmo — taas oo ka sarreysa 21% ee qoysaska asalka ah. Taasi waa xaqiiqo aan la qarin karin, mana aha in la qariyo. Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota waxay leedahay su'aal ay isweydiiso: sidee loo dhisaa nolol aan ku tiirsanayn kaalmo? Jawaabtu ma aha in la diido xaqiiqda — waa in la shaqeeyo, la barto, la dhiso ganacsi, lana taageero jiilka cusub. Madaxweyne weeraraya ma beddeli karo xaqiiqdaas; bulshada lafteeda ayaa beddeli karta.
Maxaa laga filayaa? Ugu horreyn, in bulshadu ay isku duubnaato — sida ay sameysay markii CAIR Minnesota, qoyska Yuusuf iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ay dalbadeen in FBI-da ay baarto weerarka, loona aqoonsado dambi nacayb ah. Marka labaad, in xaqiiqda la difaaco tiro sax ah: 81% ma aha 95%, beenna laguma difaaci karo bulsho. Marka saddexaad, in siyaasadda laga jawaabo siyaasad ahaan: codbixin, abaabul, iyo cod la maqlo. Ugu dambeyn, in la xasuusto: Soomaalida Minnesota ma aha marti — waa muwaadiniin, deris, darawallo, macallimiin, ganacsato iyo carruur dugsiyeed. Weerar kasta oo lagu qaado waa in looga jawaabo si ka weyn erayada: ficil, midnimo iyo run.
